Hawlgal lagu soo qab qabtey dad gaaraya kun qof oo ciidamada amnigu ka fuliyeen degmada Afgooye.

0
503

Hawlgal lagu soo qab qabtey kun qof ayaa ka dhacey degmada Afgooye ee gobolka sh/hoose,dadkan oo isugu jirey dhalinyaro iyo dad waaweyn ayaa goob qura leysugu keeney isla markaana hal hal loo istaajiyey la dirayaa ama la xirayaa.

Sharciyan sax maahan waana arin ka hor imaaneysa xoriyada muwaadinka iyo dastuurka dalka u yaal maadaama uu qorayo qofna xoriyada lagama qaadi karo hadii aysan maxkamadi go’aamin soo qabashadiisa ama aan la qaban isagoo denbi faraha kula jira.

Hadaba waxaa isweydiin mudan saraakiisha ciidamada amnigu miyaaney wax ka ogeyn dastuurka iyo shuruucda dalka u yaal,mise wey ogyihiine wey iska indha tirayaan oo iyaga ma qaban karo?

Waxaa xaqiiqo ah in dadka soomaaliyeed dawlad rabaan inta badan balse ay inyar oo iyaga kamid ahi dawladnimada nacsiinayaan dadka,dawladuna aysan fahamsaneyn dadka tirada yar ee dawladda iyo shacabka iska horkeenaya.

Qabiir xagga amniga ah oo diidey in magaciisa la shaaciyo ayaa wakaaladda wararka warsom u sheegey in saraakiisha amniga ee sidaas ugu tagrifalaya awooda ay shacabka ugu adeegi lahaayeen in yihiin kuwo ogaadey in ay fashilmeen isla markaasna doonaya in ay turanturooyin u dhigaan kuwa iyaga bedelaya si ay shacabka u khal khal geliyaana u sameynaya qaladaadka iyo ilhaanada ay shacabka ku sameynayaan.

Maahan markii ugu horeysey ee ay ciidamada amniga kuwa magacooda wataa ay dad soo qab qabtaan goob qurana isugu keenaan si ay isu baraan dadka naceybka ay ku beereen oo raba in ay iskaashadaan dawladana la diriraan,waxeyna kusoo beegmeysaa tani xili la filayo in xukuumad aan waxba ka badelneyn tii hore dhawaan lagu dhawaaqo.