Gudoomiye waaxeed kamid ah gudoomiye waaxeedyada degmada Yaaqshiid ayaa lagu diley agagaarka Tawfiiq ee degmada Yaaqshiid.
Gudoomiye waaxeedkan oo magaciisa lagu soo gaabiyey Faraweyne ayaa waxaa diley koox ku hubeysan bistoolado,iyagoo goobta ka baxsadey markii ay marxuumkan dileen.
Maamulka ugu sareeya degmada Yaaqshiid ninka gudoomiyaha ka ah Muxiyadiin Xasan Jurus ayaa isaga laftiisu ka badbaadey qarax lagu weerarey,waxeyna ka gaabsadeen in ay wax ka dhahaan dilka gudoomiye waaxeedka la toogtey allaha u naxariistee oo lagu magacaabi jirey Faraweyne.
Maahan markii ugu horeysey ee la dilo ama la bartilmaameedsado gudoomiye degmo iyo gudoomiye waaxeedyo,waxeyse kusoo beegmeysaa iyadoo ay isasoo tarayaan dilalka beryahan ka dhacaya magaalada muqdisho.




