Banaanbax lagu taageerayo wax qabadka dawlada Turkiga oo Muqdisho ka dhacey.

0
527

Banaanbax uu soo qabanqaabiyey maamulka gobolka banaadir laguna taageerayo dawlada Turkiga wax qabadkeeda Muqdisho.

Madaxda gobolka banaadir oo banaanbaxa kasoo qeyb gashey ayaa dhamaantood qirey in dawlada Turkiga ay qabatey wax ay ku faani karto,iyadoona ay dawlada Turkigu dhistey xarumo badan iskuulo iyo dugsiyo agoonta lagu xannaaneeyo.

Gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho Maxamuud Axmed Nuur tarsan ayaa si qiiro leh u qirey in ay raali ka yihiin wax qabadka dawlada Turkiga isagoona ka codsadey dadka soomaaliyeed in ay dhawraan muwaadiniinta dalka Turkiga ee ku sugan dalka gudihiisa waana xaqiiq in aysan jirin dawlad u bareertey in ay soomaaliya dib u dhisto marka laga reebo dalka Turkiya.