Doorashada puntland iyo dhageysiga musharaxiinta oo ka bilaabatey xarunta barlamaanka puntland.

0
502

Barlamaanka puntland ayaa bilaabey dhegeysiga qudbadaha musharaxiinta u tartamaya madaxweynaha hugaamin doona shanta sano ee soo socota dawlad goboleedka puntland.

Musharaxiinta maanta ay barlamaanku dhageysteen maahee kuwii harey ayaa berito la dhageysan doonaa kadibna waxaa la dooran doonaa madaxweynaha shanta sano ee soo socota puntland hugaamin doona,iyadoon cidina saadaalin karin ninka soo bixi doona.

Musharaxiinta tartamaya ayaa waxaa kamid ah madaxweynaha puntland ee xiligan C/raxmaan Sheekh Maxamuud iyo r/wasaarihii hore C/weli Cali Gaas iyo kuwo kale,waxaana musharaxiinta kamid ah xubno caan ah iyo kuwo dalka iyo debeda kasoo shaqeeyey.

Waxaa la sheegayaa in doorashadu beri dhici doonto,waxeyna aqoon yahanada iyo bulshada qeybahoodu ay saadaalinayo in ay isku soo hari doonaan C/raxmaan Faroole
Cali Xaaji Warsame
C/weli Cali Gaas
waxaana loo saadaalinayaa in uu madaxweynaha puntland noqonayo Cali Xaaji Warsame uuna ku helidoono codadka uu ugu shubi doono Cali Xaaji Warsame isagoo ka dagaalamaya in C/weli Cali Gaas.

Hadaba waxaa loo wada joogaa sida ay wax u dhici doonaan iyo cidda ku guuleysata hugaaminta puntland shanta sano ee soo socota.