Ciidamada ethiopia ayaa lagu soo waramayaa in ay soo gaareen gobolka baay magaalada Baydhabo iyagoo ku socda magaca Amisom oo ay hore u diidi jireen.
Dhawaan ayaa golaha amaanka ee qaramada midoobey waxey ogolaadeen in ciidamada dalka ethiopia lagu daro ciidamada Amisom kadib markii ay ka hinaaseen kuwa kenya iyo jabuuti,isla markaana doonaya in ay ka helaan qeybtooda waxa ay dadku ugu yeeraan Madiidinka madaw ee soomaaliya.
Ciidamada ethiopia ayaa meelo badan ka jirey gudaha dalka soomaaliya,iyagoon cidna uga hibeysan hadii ay ka baxayaan iyo hadii ay soo galayaan labadaba waxeyna maanta dani ku khasabtey in ay codsadaan kamid noqoshada Amisom,si ay mushaar iyo bililiqo ciidamadoodu u helaan,mana jirto cid ka dhiidhisey oo ka hortimid soo gelidda ciidamada dalka ethiopia soo gelida ciidda soomaaliya.




