Meydad hor leh oo laga heley goobihii xaley qaraxyadu ka dhaceen.

0
482

Sida Ay Sheegayaan Wararka laga helay Hotel Jazeera Oo Ah halkii ay xalay qaraxyada ka dhaceen ayaa Waxaa in sidoo kale maanta laga helay laba qof oo meyd ah kuwaas oo qaraxa jarjaray sida ay kusoo warameen maamulka Gobalka Banaadir Masuuliyiin Ka Tirsan Iyadoona Goobta Labada Ruux laga helay ayaa la sheegay in ay hilbahooda la soo aruuriyay waxaana loo maleenayaa in ay yihiin koxihii isqarxiyay oo saarnaa labadii baabuur oo qaraxa Ku Xernaa.

Sidoo Kale Maamulka gobalka Banaadir ayaa maanta waxa ay howlagal Nadaafadeed ka bilaabeen halkii ay ka dhaceen qaraxyada Ismiidaamin ee Hotelka Jazeera waxaana loo diidayaa in dad weynaha ay halkaasi Maraan Wexeyna Ciidamada DF Somalia ay dadka ku amrayeen in ay goobta ka fogaadaan iyaga oo kaga digayo in laga yaabo in waxyaabaha qarxa ay goobta Uu Yaalo Halkaasi.

Maamulka Isbitaalka Madiina Oo Ay Ku Jiraan Dadkii Ay Wax Yeelada Ka Soo Gaartay Qaraxyadaasi ayaa waxa ay sheegayeen in halkaas wali lagu daaweynayo dadkii ku dhaawacmay qaraxya.