R/wasaare C/weli Sheekh Axmed oo golaha xukuumada la filayo in uu ku dhawaaqo saacadaha soo socda.

0
457

R/wasaaraha cusub C/weli Shekh Axmed ayaa la filayaa in uu ku dhawaaqo xukuumadiisa iyadoo muran uu soo kala dhexgaley beesha direed iyo r/wasaaraha waxeyna ku muransanyihiin arin dastuuri ah taasoo la oran karo waa looga gar leeyahey cidii dastuurka wax dhaafsan wadata.

R/wasaare C/weli Shekh Axmed ayaa doonaya in uu r/wasare ku xigeenada ka dhigo 3 halka beesha direed ay arintaas ku tilmaameen xad gudub iyo dastuurka oo laga talaabsadey,waayo dastuurka ayaa sheegaya r/wasaare iyo hal r/wasaare kuxigeen kaliya,waxeyna leeyihiin taas lagama gudbi karo.

M/weynaha iyo r/wasaaraha ayaa doonaya r/wasaare kuxigeeno sadex ah,iyadoo beesha direed ay leeyihiin hadii sadex kuxigeen la magacaabo waxaa lumaya awooda r/wasaare kuxigeenka ay hada heystaan,waxaadna maleyn kartaa in hada ay sadexda ilma sheekh ay kala wataan sadexda r/wasaare kuxigeen.

Waa markii koowaad ee ay caqabad ka hor timaad r/wasaaraha cusub C/weli Shekh Axmed isagoon xukuumad soo dhisin,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo ay weerarada ka dhanka ah dawlada iyo ciidamada Amisom ay kordhiyeen dagaalyahanada xarakada alshabaab.