Dagaal aad u qaraar ayaa ku dhexmarey ciidamada dawlada iyo kuwa dagaalyahanada Alshabaab magaalada garbahaarey,dagaalka oo ay ku dhinteen dad rayid ah ayaa ku fidey deegaano ku hareereysan deg. Garbahaarey.
Dagaalada u dhaxeeya dagaalyahanada alshabaab kuwa dawlada iyo ahlusuna oo isku dhinac ah ayaa soo noqnoqdey,iyagoon laheyn aag iyo meelo cayiman oo ay ku dagaalamaan isuna bedeley kuwo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah,lamana oga waqtiga ay soo afjarmayaan.
Maahan markii ugu horeysey ee dagaal u dhaxeeya dagaalyahanada Alshabaab iyo kuwa ahlusuna iyo ciidamada dawlada oo isku dhinac ah ay ku dagaalamaan meelo kamid ah deegaano kamid ah kuwa ay dawladu gacanta ku heyso,waxeyna tani kusoo beegmeysaa iyadoo la filayo in xukuumad cusub lagu dhawaaqo.




