Madaxweyne Xasan Sheikh Oo Maanta Kormeer Ku Tagay Xarunta Wazaarada Gaashaan Dhiga Ee Muqdisho.

0
493

Prof. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya iyo Saraakiisha Ciidamada, ayaa waxay maanta hawlo kormeer ah ay ku taggeen Xarunta Wazaarada Gaashaandhiga Iyadoona Madaxweynaha kormeer uu ku soo maray qaybaha ay ka kooban tahay Wasaarada Gaashaandhiga, oo ku taala Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan, ayaa wuxuu khudbad u jeediyay Ciidamada Militariga ee ku sugan Wasaarada Gaashaandhiga, wuxuuna kula dardaarmay in ay dalka nabad ku soo dabaalaan, sidoo kalana ay ka xoreeyaan Ururka Argagixisada.

Ciidamada Xoogga Dalka, ayuu ku sifeeyay kuwa maanta dalka ku soo dabaali kara xasilooni, iyagoo markaasi cagta marinaya waxa uu ugu yeeray nabadiidka Oo Uu Ula Jeedo Dagaalyahanada Al-Shabaab.