12-ka Abril oo ay ku beegan tahay maalintii la asaasey
ciidankii Qaranka Soomaaliya oo ay ka soo wareegtey asaaskoodi
53 sano ayaa si weyn looga xusey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya Iyadoona Uu Xuska 12-ka Abril ka dhacay Xarunta
Wasaaraddii gaashaandhiga
Soomaaliya.
Sareeye Guute Daahir Aadan Cilmi Taliyaha Ciidammada Xoogga
Dalka Soomaaliyeed oo munaasabadda ugu horeyn ka
hadlay ayaa hambalyo u diray
dhammaan Ciidammada
Xoogga Dalka Soomaaliyeed
waxaana uu dhanka kale Taliyuhu guul usoo hooyatay
Shacbiga Soomaaliyeed ku
tilmaamay in 23sano kadib lagu
xuso 12ka-Abril xaruntii Taliska
Ciidammada Xoogga Dalka ee
Wasaaradda Gaashaandhigga.
Ciidamada Qaranka ayaa gaaddo
ka ciyaar ku marey barxada iyaga oo salaan sharaf siinayey
Madaxda dalka u sareysa.
Mudane Xasan Sh.Max’uud Mdaxweynaha Soomaaliya oo
khudbad ka jeediyey
munaasabadii xuska ayaa hanbalyo u diey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda
xuska asaaskii Ciidanka Qaranka
Soomaaliya, waxaana uu salaam u direy dhamaan ciidanka
Qaranka isaga oo sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu yahay Taliyaha guud ee ciidanka
qalabka sida.
Sidoo Kale Madaxweynaha
ayaa sheegay in ay wadaan dib u
habayn lagu samaynaayo
ciidanka Qaranka Iyadoona Uu
Madaxweynaha Carabka Ku Dhuftay In Ciidanka Qaranku ay laf dhabar u yihiin
umadda Soomaaliyeed.




