Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Dib Ugu Soo Laabtay Dalka Soomaaliya.

0
478

Mudane Max’ed Sh.Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka
Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya oo
socdaal shaqo ugu maqnaa dalka
Dibaddiisa ayaa saakay dib ugusoo
laabtay dalka ayadoona dhanka
kale uu Gudoomiyaha ka warbixiyey safarkiisa Iyo Madaxda Uu Lasoo Kulmay.

Prof. Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka
ayaa kasoo degay garoonka
diyaaradaha Ee Muqdisho waxaana garoonka
kusoo dhaweeyey xubno ka
tirsan labada gole ee Dowladda
oo uu hogaaminayey Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Golaha Baarlamaanka Mudane Mahad
Cabdalla Cawad iyo qeybaha kala
duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo Kale Mudane Maxamed Sheekh
Jawaari oo shirjaraa’id u qabtay Saxaafadda ayaa faah faahin ka bixiyey
safarkiisii shaqo iyo waxyaabihii Uu soo qabsoomay waxaana uu tilmaamay in wafdi uu hogaaminayo ay socdaal shaqo
ku tageen magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway kadib
markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Norway
islamarkaana mudadii halkaasi
uu joogay kulammo kala gedisay Uu lasoo yeeshay madaxda dalkaasi Norway.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa tilmaamay in
dhammaanba qodobadii ay ka
wada hadleen madaxda
Dowladda Norway la isku afgartay islamarkaana ay
kulammadiisa kusoo
dhamaadeen guullo la taaban
karo islamarkaana qodobada
natiijada ah la horkeeni doono
Baarlamaanka Somalia.