Ciidamada amisom ayaa waxaa lagula eegtey qarax bubmka meesha fog laga hago kaasoo sida la sheegey ay ciidamada amisom ku waayeen gaari kuwa qufulan ah iyo askar ku dhex jirtey gaariga oo afar askeri gaaraya.
Goob joogayaal aan la xiriirney ayaa noo xaqiijiyey in ay arkayeen meydka iyo dhaawac aysan kala saarin tiradooda oo la daad gureynayo halka lagu magacaabo buundo dheer ee magaalada marka,waxaana isasoo taraya khal khalka ka jira marka iyadoo dhawaana ay ku dagaalameen askar ciidamada dawlada ka wada tirsan.
Maahan markii ugu horeysey oo miinooyin lagula eegto amisom iyo ciidamada dawlada federalka soomaaliya,iyadoo gobolkaas shaleyba uu ka badbaadey miino loo dhigey amaan duulaha ciidamada xooga gen.dhegabadan oo ku sugnaa gobolka sh/hoose.




