Dagaal Khasaaro Nafeed Sababay Oo Maanta Illaa Caawa Ka Socda Gobolka Galgaduud.

0
496

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal galabta ka bilawday deegaanka Baalal Dheere oo qiyaastii 100-km u jira magaalada Dhuusamareeb uu soo gaaray illaa caawa maqribkii iyadoo khasaare badan uu sababay.

Dagaalka oo u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed oo deegaankaasi wada dega ayaa lasheegayaa inuu ka bilawday muran dhanka dhulka iyo ceelal biyood oo ku yaalla deegaankaas.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb waxaa illaa hadda dagaalka maanta la xaqiijiyey inay ku dhinteen in ka badan 20 ruux halka dhaawac tiradiisa aan la sheegin loo kala qaaday isbitaalo ku yaalla gobolka.

Dagaalkan ayaa qarxay maanta xilligii Salaada Duhur wuxuuna soo gaaray illaa caawa maqribkii iyadoo maleeshiyaadka labada dhinac ay soo gaareen hub iyo gurmad maleeshiyaad kale oo uga yimid deegaano kala duwan.

Dhanka kale waxaa bilawday durba dadaalo nabadeed iyo wafdigii ugu horeeyay oo nabadoon ahi uu galabta ka ambabaxay magaalada Cadaado si ay u kala dhexgalaan maleeshiyaadka isku deegaanka ee dagaalkau dhexeeyo.

Sidoo kale waxgarad iyo siyaasiyiin ay ka soo jeedaan beelaha maleeshiyaadkoodu dagaalamayaan oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa iyaguna soo jeediyey baaqyo ay ku dalbanayaan in colaada deg deg loo Soo Afmeero.