Wakiilka Al-Shabaab Ay U Magacaabeen
Gobalada Jubbooyinka Sh.C/raxmaan Xudeyfa oo la
hadlay Warbaahinta ayaa wuxuu
sheegay in maamul usameynta
Gobalada Jubbooyinka ay tahay
arin shirqool ah oo ay wadaan
urur Gobaleedka IGAD Iyo Dowlado Kale.
Sh.Xudeyfi wuxuu sheegay in dad
ajaanib ah iyo rag ka tirsan
Dowladda Soomaaliya ay ku
howlan yihiin in maamul sida uu
sheegay ajaanib hoostagaya loo
sameeyo Jubbooyinka sidu Shegay Xudeyfa.
“Dowlado Gaalo Ah ayaa wadata maamulka
Jubbooyinka loo sameynayo
dhibaato ayeeyna shacabka u
horseedayaan IGAD iyo Dowladd
isku sheega shacabka
Jubbooyinka ayeey rabaan inay
ciriiri geliyaan”Ayuu yiri madaxa
Gobalada Jubbooyinka ee
Shabaabul-mujaahidin.
Gobalada Jubbooyinka Shacabka Ku Nool
ayuu ugu baaqay inaysan
ogolaan maamul ay wataan
Kenya iyo IGAD oo loo sameynayo
Gobalada Jubooyinka arintaasina
ay ka Biyo Diideen.
Xarakada Al-Shabaab tan iyo markii laga
saaray Magaalada marsada leh ee
Kismaayo waxa ay wadeen
hadalo ay ku dhiiragelinayaan
shacabka reer Kismaayo taasi oo
ku aadan inaysan aqbbalin
maamul in loo sameeyo.




