Golaha Waziirada Xukuumada Saacid Oo Guud Ahaanba Isku Raacay In Ciidmo Qaas Ah La Geeyo Goobihii Laga Qaaday Jid Gooyooyinkii Sharci Darada Ahaa.

0
533

Wasiirrada Xukuumada Uu Madaxda Ka Yahay Saacid oo maanta kulankoodii todobaadlaha ku yeeshay Magaalada muqdisho ayaa ka hadlay xaaladaha amniga iyo Siyaasadda wadanka gaar ahaan howlgalladii ugu dambeeyay oo ay Ciidamada dowladda ku qaadayeen Isbaarooyinka yaallay qeybo kmaid ah Caasimadda iyo Gobollada Dalka Soomaaliya.

R/wasaare cabdi faarax Shirdoono Oo Kulanka shir guddoominayay ayaa markii uu soo dhammaaday kadib waxaa Saxaafadda la hadlay cabdullaahi Ciilmooge Xersi Wasiirka warfaafinta iyo Isgaarsiinta oo tibaaxay in Goluhu ay isku raaceen in Ciidamo gaar ah lageeyo dhammaan xaafadaha kala duwan oo ay ka koobantahay magaalada Muqdisho si loo xoojiyo amniga loogana hortago falalka ay maleegayaan kooxaha cadowga ah Oo Uu Ula Jeedo Al-shabaab.

Ciilmooge ayaa intaasi ku daray in Golaha wasiirrada ay ku amaaneen madaxweynaha Go’aankii geesinimada ahaa ee uu ka qaatay qaadista jid gooyooyinka yaallay caasimadda kuwaasoo ahaa kuwo lagu dhibaateyn jiray Bulshada laguna qaadi jiray lacago baad ah oo aan sharci Aheyn.

Sidoo Kale Golaha wasiirrada ayaa isku raacay in Ciidamada la dhiirageliyo si ay uguguuleystaan inay cadowga ka saaraan deegaannada kooban oo ay haatan uga suganyihiin wadanka Soomaaliya.