Iyadoo loo balansanaa in 28ka bishan novenber ay ka dhacaan doorashooyinka dawladaha hoose iyo 3da xisbi qaran ee u soo baxaya in ay kasoo haraan 7da xisbi ee tartamaya ayaa loo wada dareerey codeynta.
Waxaana meelaha qaar laga soo sheegaya dagaalo ay sanaadiiqdu sababeen sida dagaalo ka dhacey sool iyo sanaag oo ay ku dagaalameen ciidamada somaliland iyo kuwa khaatumo state,iyadoo dhinac walba uu guul ka sheegtey dagaalka ayaan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee soo kala gaarey labada dhinac.
Ilaa iyo hada lama oga natiijada runta kama danbeysta ah ee doorashada waxaana laga sugayaa in ay ku dhawaaqaan gudiga doorashooyinka somaliland waqtiyada soo socda,mana aha markii ugu horeysey ee ay doorashooyin sidan oo kale ah ay ka dhacaan gobolada waqooyi galbeed ee soomaaliya oo la baxey jamhuuriyada somaliland,kana go’ay soomaaliya inteeda kale.




