Sh.C/Caziiz Abu Muscab Afhayeenka Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo Galabta Saxaafada la hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay Weeraro ay dagaalyahanada Shabaabul-Mujaahidiin la galeen Ciidamada Dowladaha Iskaashanaya Ee Ku Sugan Soomaaliya Gaar Ahaan Gedo. Shabeellada Hoose iyo Banaadir.
Sidoo Kale Sh. Abu Muscab ayaa sheegay in weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen ciidamada Dowlada Ee ku sugan Degmada Balad-Xaawo Ee Gobolka Gedo ay u suurtagelisay inay gabi ahaanba Magaalada Gacanta ku dhigaan Dagaalyahanada Al-shabaab
Shiikha Ayaa Carabka Ku Dhuftay Inkabadan 15 Ka Tirsan Ciidamadii Ay Dagaalka La Galeen oo ay Saraakiil ku jirto halkaas ku Ku Qaarijiyeen Laba Gaari oo Nuuca Dagaalka ahna Ay soo qabteen iyo Hub iskugu jira Qoryo –gacmeedyo iyo Rasaas fara badan kadibna sidii Sidii Loogu Bartay Ay Dib Uga Laabteen Halkii Ay Horey Kaga Imaadeen.





