M.C/lle” Lacagaha Sharci Darrada Gaadiidka Aan Ka Qadi Jirnay Waan Joojinay.

0
537

Gudoomiyaha Maamulka degmada
Dharkeynley ee gobolka Banaadir
ayaa sheegay inay ku
guuleysteen inay degmadaas ka
qaadaan isbaarooyin yaallay,
waxayan dowladda ka dalbadeen
inay degmadaas geysto
ciidammo ka hortaga in
isbaarooyinka lasoo celiyo.

Guddoomiyaha degmada
Dharkeynley, Macallin Cabdulle Cali
Hilowle oo saxaafadda la hadlay
maanta ayaa sheegay in
isbaarooyin dhowr ah oo
degmadaas yaallay la qaaday,
balse ay baqdin weyn ka qabaan
inay dib ugu soo laabtaan
kooxihii laga qaaday.
“Isbaarooyinkii degmada yaallay
waa la qaaday, waxaana
dowladda ka dalbanaynaa inay
ciidammo keento degmada si
looga hortago inay kooxihii
isbaarada laga qaaday ay dib u
soo dhigtaan,” ayuu yiri Macallin
Cabdulle.

Dadka deegaanka ayaa sheegay
in isbaarooyinkii oo dhan la
qaaday, iyagoo intaas ku daray in
kooxihii hubeysnaa ee
isbaarooyinka laga qaaday ay
weli ku sugan yihiin goobihii
isbaarooyinku u oolli jireen,
iyadoo dadku ay baqdin ka
qabaan inay dib u soo laabtaan
isbaarooyinka.

“Ciidamadii
isbaarooyinka laga
qaaday weli waa kuwo hubeysan
oo xaafadaha ku sugan.

Waxaa jirta cabsi ah inay dib
isbaarooyinku u soo laabtaan,
waayo hadda ayaa gaadiidka si
hoose oo handadaad ah
lacagaha looga qaataa,” ayu yiri
Cali Maxamuud oo ka mid ah
dadka ku nool degmada
Dharkeynley.

Degmada Dharkeynley ayaa ka
mid ahayd degmooyinka ay
yaalleen isbaarooyinka ugu
badan ee lacagaha lagu qaado,
waxaana qaadistoodan ay daba
socotaa amar uu ku bixiyay
madaxweynaha Soomaaliya
inaan isbaarooyin lagu arki karin
jidadka magaalada Muqdisho.