Dagaal yahanada al-shabaab ayaa saacado kooban la wareegey maamulka magaalada b/xaawo ee gobolka gedo,labada dhinacba ay guulo ka sheegteen dagaal aad u qaraar oo halkaas ka dhacey.
Afhayeenka dhanka hawlgalada ee xarakada al shabaab oo la hadlayey warbaahinta afka shabaabka ku hadasha ayaa guul ka sheegtey,cadeeyeyna in awooda alshabaab ay sidii hore ka xoog badantahey sababna ka dhigey lawareegitaanka b/xaawo oo 300m u jirta xuduud beenaadka u dhaxeeya kenya iyo soomaaliya,sidoo kale afhayenka dhanka hawlgalada sh abu muscab ayaa sheegey in ay leego agteeda meel ah ay baabuur kaga gubeen dadna kaga dileen kolonyo gaadiid ah oo uu hugaaminayey xildhibaan daahir amiin jeesow oo hor kacayey gudi dhexdhexaadinayey beelo walaalo ah oo halkaas ku dagaalamey dhanka kale xildhibaanka ayaa sheegey in 30 ciidamada alshabaab ah goobtaas lagu diley isagoo qirtey in gaari laga gubey,isla markaana waxaa la sheegayaa in gud.gobolka sh/hoose c/qaadir siidii uu laftiisu ku dhaawacmey dagaalkaas ka dhacey meel u dhaw deegaanka leego ee deg.wanlaweyn.
Iska hor imaadyada iyo gaadmada ay iskala horyimaadiin labada dhinac ayaa qolo walbaa sheegataa guulo iyo in ay jab huwiyeen dhinaca ay iska soo horjeedaan,waxeyna xarakada alshabaab afhayeenkooda abu muscab hadalkiisa ku darey in ay weeraro ka fuliyeen degmooyin ka tirsan gobolka banaadir.




