Ciidamada dawlada iyo kuwa Amisom oo la wareegey tuulada xawaadley ee gobolka sh/dhexe.

0
547

Iyadoo dad badani ka dhur sugayey dhaqaaqa ciidamada huwanta ah iyo kuwa dawlada ay u dhaqaaqaan hanashada gobolka sh/dhexe intiisa badan oo wali gacanta ugu jira alshabaab ayaa waxaa u suura gashey ciidamada huwanta iyo kuwa dawlada in ay la wareegaan tuulada xawaaley oo wax yar u jirta jawhar caasimada gobolka sh/dhexe.

Dad fara badan ayaa isu soo baxey markii ciidamada huwanta iyo kuwa dawladu soo galeen tuulada xawaadley kuwaasoo muujinayey in ay ku faraxsanyihiin imaatinka ciidamada magaalada soo galey iyadoo aaney jirin cid kula dagaalantey oo ka tirsan xarakada alshabaab oo gacanta ku hayey dhawr sano.

Jenanka ciidamada dawlada hugaaminayey oo lagu magacaabo c/laahi cali caanood ayaa la hadley dad isu soo ururey,isagoo u sheegey in aaney ka fogaandoonin ayna ka codsanayaan wada shaqeyn dhexmarta ciidamada iyo shacabka si looga hortago wixii amniga khal khal gelinaya,mana cadeyn waqtiga ciidamadu gacanta ku dhigayaan magaalo madaxda gobolka ee jawhar,mana aha markii ugu horeysey ee ciidamadu la wareegaan meelo ka tirsan gobolka sh/dhexe.