Ciidamada Amaanka M/Puntalnd Oo Howlagalo Ka Wada Xaafadaha M/Garowe ka dib dilkii xalay.

0
532

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Ciidanka amaanka magaalada garoowe ee xarunta maamulka puntland ayaa saakay waxa ay wadaan howl galo lagu doonayo in lagu soo qabqabto kooxahii ka danbeeyay dilka allah ha u naxariiste marxuum nadaar saalax maxamed cali bulay.

waxaa xalay fiidkii  lagu dilay magaaladda Garoowe Taliye xigeenkii labaad  ee hore Ciidanka Booliiska puntland Nadaare Salax Maxaed Cali Bulay .

Taliyaha ayaa lagu dilay fagaaraha hore ee Hotelka Bulshaale1 ,waxaana  dilkaan gaystay koox ku hubaysan qoryaha fudud kuwasoo goobta ka baxsaday dilka ka dib.

Nadaare ayaa xilka Booliiska uu ka hayey ee ahaa Taliye xigeenka Labaad waxaa laga ruqseeyey 1 bishaan Luulyo oo ku beegnayd Munasabadii Xuska 1luulyo ,waxaana uu mudo dheer kasoo shaqaynayey ciidamada gaar ahaan Booliiska .

Lama oga cida ka danbaysay dilka Marxuumka ,ma jirto cid loo qabtay ilaa hada falkaan.

Xafiiska warqabadka warsom.com

Muqdisho,somaliya.