Maamulka xarakada alshabaab ee gobolka hiiran gaar ahaan kuwooda ku sugan degmada buulo burde ayaa lagu soo waramayaa in gudaha degmada ay ku gubeen raashiin ubadan digir.
Xarakada alshabaab ayaa waxa ay shegen in raashinkani uu aha mid aanu tayadiisa wanaagsaneyn isla markaana uu dhaafay waqtigii loogu tala galay.
Raashinkani la gubay ayaa la sheegaya in ay leedahay hay,ada ICRC hay,ada ayaa waxa ay dooneysay in ay dadka ku nool degmada ay uqeybiyan waloo taasi ay ishortaag ku sameeyen xarakada alshabaab eek u dhaqan degmada buulo burde.
Alshabaab ayaa gabi ahaan ka mamnuucday dhamaan deeganada ay ka taliyaan in ay ka howl galaan hay,adaha gargaarka ee howlaha samafalka ka wada gudaha dalka soomaaliya.
Si kastaba ha ahaate ma ahan markii ugu horeysay oo ay xarakada alshabaab ay gubaan raashin ay shegan in uu wanaagsaneyn tayadiisa.
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.





