dhalin yaradani xalay lagu toogtay xaafada soso ee degmada heliwaa ayaa dadka deganka oo saxaafada la hadlay waxay sheegen in tiradooda ay gaareyso ilaa iyo 3saddex dhalin raya ah.
dadka deeganka ayaa waxa ay sheegen in dhalinyarada latogtay ay xaafadahooda ay ka soo saaren laba dhalin yara ah oo ku hubeysna baaskoolado kuwaasi oo meel aan sidaasi uga sii fogeen ku toogtay isgoyska sos ee degmada heliwaa.
kooxahii falka dilka ahaa ee toogtay dhalin yarada ayaa la sheegay in ay isaga baxsadeen goobta uu falka ka dhacay ee ay dilka ka geesteen.
lama oga ilaa hada cida ka danbeysa falka dilka ee xalay ka dhacay xaafada sos ee degmada heliwaa.
balse falka xalay ka dhacay degmada heliwaa ayaa ah kuwa qeyb ka noqanaya falalka amni daro ee ka jira xaafadaha qaar ee magaalada muqdisho caasimada dalka soomaaliya.
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.





