Dagaalo iyo Duqeymo Udhaxeeya Xarakada Mujaahidiin.Al-Shabaab iyo Ciidamada DKMG iyo Kuwa Amsimo ayaa Ka dhacay Degmada Dharkeenlaay

0
536
WararkaSoomaaliya ( Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)


Dagaalkani Ayaa Ahaa Mid Ku Bilowday Rasaal Aad U Cul Culus Isla Markaana Leysku Adegsanayay hubka Noocyadiisa Kala duwan Islamarkaan u Dhexeyay Ciidamada Dowlada somaliya oo garab ka helay Ciidamada Amisom Iyo Xarakada mujaahidiinta al-shabaab.

Dalaalkani Ayaa xalay saqdii dhexe ka Dhacay degmada Dharkiinley Ee Gobalka Banaadir sida ey Noo Xaqiijiyeen Dadka Deeganka ah oo Carabka Ku dhuftay Dagalka in Uu Yahay Mid aad U culus.

 

Ma Jiro Wax war Dheeraad ah oo ka soo Baxay Dagalkani Xalay ka Dhacay Degmada Dharkiinley Ee Gobalka Banaadir Xiriiro Eynu La Sameynay Labada Dhinac ee isku Dagaalay Goobtaasi Waa Inoo Suuro Gali Weysay.

Ma ahan markii ugu Horeysay oo Dagaal ceynkaani oo Kale Uu ka Dhacay Gudahah Dalka Somaliya Gaar Ahaan Gobalka banaadir Wararka Soo garaya Xafiiska War Qabadka Warsom Ayaa Sheegay In eysan jirin Qasaaro Sidaa U sii Buuran.

WararkaSoomaaliya ( Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)