Caalim Oo Kasoo Horjeestey In Garoonka Gaalkacyo Cabdilaahi Yuusuf Loogu Magac Daro Iyo Shiriif Sh.Axmed Oo Ku Baaqay In Gaalkacayo Laysu Furo

0
502

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa kasoo horjeestey go’aankii garoonka magaalada Gaalkacayo loogu magac daray madaxweynihii hore ee Soomaaliya  Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

Wuxuuna sheegay in arintaasi aysan ahayn mid sharci ah madaama aan lagala tashan maamulkiisa isagoo tilmaamay in madaxweyne Shiriif uusan arintaas u madax banaaneyn waa sida uu hadalka u dhigaye.

Si kastaba ha ahaatee hadalka soo yeeray Gal-mudug ayaa kusoo beegmaya xilli shalay magaalada Gaalkacacyo aas qaran loogu sameeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyadoo madaxda Puntaland iyo DKG ay isku raaceen aaskaas kadib in garoonka Gaalkacayo  Cabdilaahi Yuusuf Axmed loogu magic daro.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo xiligan ku sugan koonfurta magaalada Gaalkacayo dhinaca uu ka arimiyo maamulka Gal-mudug ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in la helo isdhexgal buuxa oo ay sameeyaan shacabka maamulada Puntland iyo Gal-mudug Si Buu Yiri Xal Warta Loogu Helo Arimaha Gal Mudug.

Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqay madaxda labada maamul inay xil iska saaraan sidii la isugu furi lahaa labada dhinac arintaas oo uu ku tilmaamay inay tahay mid muhiim ah taas oo loo baahnaa inay timaado mar hore.

Mudane Shiriif iyo wefdigiisa oo shalay magaalada Gaalkacayo gaarey si ay uga qayb qaataan aaskii qaran ee loo sameeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa maanta ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen saxiixeyaashii heshiiska Road map-ka.

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)