Dowladda TFG-da Soomaaliya Oo Idaacad FM Ah Ugu Deeqday Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia.

0
550

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Wasaaradda warfaafinta ee DKG ayaa Idaacaddaas ku wareejisey mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulkaas oo beryihii u danbeeyey magaalada Muqdisho ku sugnaa.

Munaasabadii qalabka Idaacaddaas lagula kala wareegayey ayaa ka dhacday xarunta wasaarada waxaana kasoo qayb galay mas’uuliyiin ay kamid yihiin wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Khaatumo.

Cabdiqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn) oo ah wasiirka wasaaradda warfaafinta ee DKG ayaa ka hadlay munaasabadii qalabkaas lagula kala wareegayey wuxuuna sheegay in Idaacadani ay tahay mid loogu tala galay inay u faa’iideyso shacabka gobolada maamulka Khaatumo.

Waxaa Kaloo Iyana Meesha ka hadlay Cabdibuur Cilmi Qaaji (Biindhe) oo kamid ah madaxweyneyaasha 3-da ah ee maamulka Khaatumo ayaa isna munaasabadaas  wuxuuna uga mahad celiyey wasaaradda warfaafinta ee DKG qalabka Idaacadeed ee ay ku wareejisey.

Waa markii ugu horeysey ee ay dowladda KMG ah ee Soomaaliya Idaacad FM ah ku wareejiso mid kamid ah maamul goboleedyada cusub ee dhowaanta la magacaabay.

Arintan ayaana u muuqata mid laga dheehan karo sida ay dowladda KMG ah ee Soomaaliya uga go’an tahay inay xiriir fiican la yeelato maamul goboleedyada gaar ahaan Khaatumo State oo isaga dhowaan degamda Taleex lagu dhisay Iyo Waliba Maamul Goboleedyo Aad U Farabadan .
Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)