Garoonka Diyaaradaha Ee Gaalkacayo Oo Loogu Magac Daray AHN Cabdilaahi Yuusuf Axmed

0
443

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo ayaa maanta si rasmi ah loogu magac daray madaxweynihii hore ee Soomaaliya AHN Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo munaasabadii aaskia qaran ee marxuumkaas loo sameeyey ka hadlay ayaa arintaas shaaca ka qaaday.

Wuxuuna intaas ku daray in uu go’aankaas kala tashaday madaxda DKG ah ee Soomaaliya gaar ahaan madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo oo horay magac la’aan u ahaa ayaa noqonaya (Abdalla Yusuf Airport), magacaas oo xusuus ku reebi doona maanka bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland.

Alle ha u naxariistee Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya islamarkaana ahaa asaasihii dowladda Puntland waxaa maanta aas qaran loogu sameeyey magaalada Gaalkacayo.

Waxaana talaabadan uu madaxweyne Faroole qaaday ee ah in uu garoonka diyaaradaha ee Gaalkacayo marxuumkaas geeriyoodey ugu magac daray ay noqonaysaa mid lagu weyneynayao sumcaddii uu Cabdilaahi Yuusuf  lahaa  iyo taariikhda lama ilaawaanka ah ee uu reebay.