Xisbiga MJS Oo Soo Dhaweeyey Falka Ay Dowlada TFG-da Hubka Kaga Uruurineyso Dhamaan Maleeshiyo Beeleedyada

0
505

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

Cali Max’ed Nuux Tima Jilic Oo Ah Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed ayaa Maanta waxa uu ka Hadlay Falkii ay Dowlada Kumeel Gaarka Soomaaliya Hogaamiye kooxeedyada Kagala wareegtay Hubkii ay gacanta ku hayeen

Kusimaha Madaxweyne Darmaan Anha Ku Xigeenka  Cali Timajilic ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Xisbigiisa Howlgaladaan ay Wada Xukuumada Farmaajo uu horseedka U hayo Islamarkaana ay Hogaamiye Beeleedyada Kaga wareejinayaaan Hubka

Gudoomiye Ku Xigeenkla ayaa Dowlada Kumeel Gaarka Soomaaliya Ugu Baaqay in aysan Hakin Holaha ay iminka ka bilowday Magaalada Muqdisho kaa oo uu sheegay in ay muhiim u tahay hanashada Amaanka iyo dib u dhiska dalka soomaaliya

Ugu dambeyntii ayuu Cali Max’ed Nuux Timajilic sheegay in ay dowlada soomaaliya  Balaariso hoolahaani islamarkaana ay dhamaan hogaamiyayaashaasi oo kale ka wada uruuriso hubka iminka gacmahooda ku jira inta uu hub gacantooda ku jirana ugu baaqay in ay ku soo wareejiyaan Dowlada Soomaaliya Taasina ay ku jirto Dib u dhiska Dalka soomaaliya

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)