Nin dilal Kala Duwan Ka Geystey Magaalada Gaalkacyo Oo Maanta Lagu Toogtay Garowe

0
516

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

Maanta ayaa waxaa lagu toogtey  Magaalda Garoowe ee Puntland  nin horay ugu dilay magaalda gaalkacyo nabadoon Xasan (Waloore)  oo magaaladaas iyo guud ahaan deeganada Puntland caan ka ahaa

Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo ah Gudoomiyaha gobalka Nugaal oo kula hadalay saxaafada goobta lagu toogtay Cabdilaahi Isaaq Cali oo ahaa gacan ku dhiigle ayaa sheegay in ninkani uu horay u diley oday kamid ah odayaasha gaalkacyo  kadiban ay ciidamda amaanka gacanta ku soo dhigeen islamarkaana uu isagu maxkamadda horteeda ka qirtay in isagu uu fal danbiyeedkaas geystey.

Gudoomiyaha Gobolka ayaa intaa ku daray in cidkasta oo dil geysatada la dili doono sababta maanta toogashada ninkan Saxaafadda loogu soo bandhigayna ay tahay sidii ay ugu quusan lahaayeen kuwa dadka bulshada dhexdooda magaca ku leh dilalka kala duwan u geestay .

 Falkaani manta lagu toogtay  ninkaani gacan ku dhiiglaha ah ayaa ah markii ugu horeysey oo Gacanku dhiigle Puntland dil ka geystey oo Al-shabaab lala xiriirinayo lagu toogtey magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ,

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)