Madaxweyne Faroole Oo Shaaca Ka Qaaday In Puntland La Geynayo Ciidamo Ka Socda Midowga Africa Ee AMISOM

0
534

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud “Faroole” Oo ah Madaxweynaha Maamul Goboleedka  Puntland ayaa shaaciyay in ciidamada ka socda Midowga Africa kuna hawlgala magaca AMISOM la geynayn doono magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay magaalada London iyo hareeraheeda ayaa khudbadiisi ku soo qaatey arrimo ku saabsan Magaalada  Gaalkacyo,

Sidoo Kalena waxa uu madaxweynuhu sheegey in nabadgelyo xumo ay muddo badan ku soo laabatey magaalaada Gaalkacyo islamarkaana ay tahay haatan meel ay ka cararaan shacab ku nool magaaladaas  Waxaana uu yiri waxaa imaan doono ciidamo ka socda Midowga Africa,

Faroole ayaa dadka u sheegey in aysan arrintaasi noqon mid ay hadhow la yaabaan ee ay ogsoonaadaan in ciidamadaasi ay imaanayaa Gudaha Maamul Goboleedka Puntland

Hadalkaani Madaxweynaya Puntlan Uu Ka Jeediyay Magaalada London kuna Sheegay in Ay Ciidamada AMISOM la Geenayo Maamul Goboleedka Puntland Ayaa ku soo aadeysi Xilli Uu Afahayeenka Madaxtooyada Maamul Goboleedka Puntlan uu Sheegay In Aysan Jirin Ciidamada Ka Socda Midowga Africo Kuwaa oo La Keenayo Puntland

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed