Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)
Boqolaal qoys ayaa saakay Lagu Arkayay Wadooyinka Soo Gala Magaalada Muqdisho Kuwaasoo kasoo bara kacay deegaanada Km-13 iyo Garas-Baaley ee duleedka Muqdisho Islamarkaana deris la ah degmada Deynile Ee Haatanba Dagaalada Xoogan Ka Dhacayaan.
Gaadiidka xamuulka Iyo waliba Baabuurta Loo Yaqaano Caasiyada ayay dadka Ku Soo raranayeen Alaabtoodii wadada dheer ee isku xirto Muqdisho iyo Afgooye ayay Isaga Kala Gooshayeen kuwaasi oo ay ku raran yihiin alaabo iyo dad oo soo galaya magaalada Muqdisho.
Mid ka mid ah Dadka Deegaanka ku ahaa Degmada uu Haatan Dagaalka ka socdo Ee Dayniile Laguna mgacaabo Faadumo Daahir ayaa sheegtay in ay la joogi waayeen casbi ah in ciidanka dowlada ay soo gaaraan deegaanka islamarkaana ay waxyeelo Ka Soo gaarto Rasaasta iyo Madaafiicda ay Isweedaarsanayaan Labada Dhinac Ee Ku Dagaalamaya Meeshaas.




