Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)
Hay’ada Nabad sugida Qaranka Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay afar Ruux oo ka tirsanaa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabab oo labo kamid ah Saxaafada u sheegay inay ahaan jirayn Saraakiisha Xukuma qeybaha Shababku ay ka joogaan Gobolka Gedo
Mid ka Mid Ah Ragii maant ay soo bandhigeen Ha’adda Nabad Sugida Qaranka Kaasi oo lagu magacaabo C/qaadir Maxamuud Maxamed ayaa Sheegay inuu dhowr Jego kasoo qabtay maamulka xarakada al-Shaba ee gobolka Gedo Jagooyinkii Uu u soo qabtay Xarakada al-shabaabayaa waxa ay aheed sida uu sheegay Madaxa maaliyada iyo waliba jagooyin kale oo uu u soo qabtay xarakada al-shabaab
Ragaani ka soo baxsaday Xarakada Al-shabaab ayaa sheegeen in ay Ahaayeen ku dhawaad 40Ruux islamarkaana ay tababr u fidiyeen xarakada al-shabaab kadib markii uu tababarka u soo dhamaaayna Loo soo kaxeeyay Xaafada Suuqa xoolaha si ay Qeyb lexaad leh kaga qaataan Dagaalada Ay kula Jireen Dowlada TFG-da Soomaaliya iyagoona shegay in ay asalkoodaba ka yimaadeen Magaalada Mambasa Ee Dalkaasi Kenya
Saraakiisha Hay’ada Nabad sugida Qaranka ayaa waxa ay Marar Badan soo bandhigtay Ciidamada Iyo waliba Saraakiil ka Tirsananaan Jireen Xarakada AL-Shabab iadoona ay Masuuliyiinta Xarakada Al-shabaabna Wax war ah ka soo bixin Dhowrkaan jeer Oo Ay Nabad Sugida Soo Bandhigtay Rag Ay Ku Sheegtay in ay U Dagaalami Jireen Al-shabaab.




