Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)
Mid ka mid ah Hogaanka sar sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Sheekh Xasan Cabdullaahi Xirsi oo loo yaqaano Sheekh Xasan Turki ayaa ka digay faragelinta ay Dowladda Kenya kusoo sameysay dalka Soomaaliya Hanjabaadna Hawada u mariyaya Dowlada Kenya oo iyada Gudaha u soo gashay Dalka soomaaliya Sheegtayna in ay la dagaalameyso Xarakada Al-shabaab.
Sheekh Xasan Turki oo Warbaahinta kula hadlayay qeybo ka tirsan Gobolada Jubbooyinka ayaa waxa uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah aysan gacmaha ka laaban doonin faragelinta ay Dowladda Kenya ku sameyneyso Gudaha Dalkeena Soomaaliya Islamarkaana Aan Wax Lataaban karo aan ka qabneyno .
Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxa uu ugu baaqay inay ka dhii dhiyaan faragelinta ay hadda waddo Dowladda Dalkaasi Kenya, waxaana Sheekh Xasan Turki uu Farta Ku Goday in Dowladda Kenya ay ku khasaari doonto faragelinta iyo xadugudubka ay kusoo sameysay gudaha dalka Soomaaliya islamarkaana ay Mujaahidiinta Gacm,ahooda uu Alle Ku Halaagi Doono Waa Sida uu HAdalka U dhigau Shiikh Xasan Turki Oo ka Mid ah Hogaamiyayaasha Sar sare Ee Xarakada Mujaahidinta al-shabaab.
Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)





