MadaxweyneFaroole Oo London Kula Kulmay Madax Ka Tirsan Dowlada Britain

0
603

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Iyo Wufuud Kale oo uu hogaaminayo ayaa booqasho ku jooga magaalada London ee dalka Ingariska kuwaasi oo ka kooban Siciid Maxamad Rage Wasiirka Dekedaha, Cabdulqadir Cabdi Xashi, Wasiiru-dowlaha Xiriirka Caalamiga iyo Maxamad Xasan Barre oo isna ah Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland.

Wufuudani Oo uu hogaaminayo Mr Faroole ayaa soo gaaray London maalinta Axada, waxaana Garoonka dayuuradaha kusoo dhaweeyey saraakiil ka socota Wasaaradda Arrimaha Dibada (Foreign & Commonwealth Office – FCO) waxaana loo galbiyay madaarka VIP-da.Iyadoona Uu marba marka ka dambeesa uu la kulmayo madaxda sar sare ee dalkaasi Ingariska

Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa maalinta isniinta ah  waxaa xafiiskiisa ku yaala xarunta FCO ku qaabilay Henry Bellingham Wasiirka arrimaha Africa, iyo  Horumarinta Stephen O’Brien, oo isana ah Wasiirka Arrimaha

Waxayna Kulankoodii Kaga wada Hadleen socodsiinta heshiiskii Roadmap-ka, arrimaha gargaarka bini’aadanimo iyo horumarinta dalka, iyo la dagaalanka argagaxisada iyo burcad-badeeda oo dalka soomaalya ku soo badaneysa Xilli Ay Maraakiib farabadan Doonayaan in ay Dalka soo maaliya u soo daabulaan Deeq aad u farabadan Islamarkaan ay ka baqanbayaan Burcad Badeda soomaalida ah.

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)