Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)
Qarax Aad U Xoogan oo ah Mid Ismiidaamin ah Ayaa Haatan waxa laga maqlay Agagaarka Wasaarada Arimaha Dibada Ee Dalka Soomaaya kaa oo kutaal inta u dhaxeysa Isgooska Banaadir iyo kan Zope .
Qaraxaani ismiidaaminta ah ayaa waxa uu ka dhashay Gaari Nooca Looyaqaano Runeedka lagana soo buuxshay waxyaaba qarxa oo la doonayay in Dhinaca dambe ee Gudaha Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya la gaslsho islamarkaana meesha ay isku qarxiyaan balse Uu ku qarxay Albaabka Hore Ee Wazaarada.
Qaraxaani ayaa waxaa ka dhashay Qaaaro aad u farabadan Sida lagu soo waramayana Meesha waxaa ku dhintay dad shacab ah oo aad u fara badan oo iminkaba la sheegayo in ay meesha Weerarka uu ka dhashay Ay Meeddadka iyo waliba dhaawca ay yaalaan
Dadka meesha ku wax yeeloobay ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay u badan yihiin dad shacab ah islamarkaan ka agdhawaa Agagaarka Wazaarada Arimaha Dibada Ee Dalka Soomaaliya Kaa Oo Ku Yaala Magaalada Muqdisho Gar ahaan Inta u Dhaxeysa Isgoyska Soobe Iyo Waliba Kan Banaadir
Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)




