Ciidamada Police-ka Dalka Kenya Oo Howlgalo Dad Shacab Ah Lagu Soo Xer Xeray Ka Sameyey Magaalada Nairobi

0
504

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

Ciidamada Police-ka dalka Kenya ayaa howlgal ay Xalay Ilaa iyo maanta ka   samayeen magaalada Nairopi ayaa waxa ay ku soo qab qabteen ilaa iyo Dhowr Iyo 10 ruux oo lala  xiriirinayo inay xiriir la leeyihiin xarakada mujaahidiinta al-shabab Oo Haatanba ay dagaalo kugula jiraan Dalka Soomaaliya  

Magaalada Nairopi Dadka Laga qabqabsaday ayaa waxa ay u badnaayeen Somali kuwaa oo ku sugnaa xaafad ay Soomaalida  ku badanyihiin oo ku taala magaalada Nairoobi ee caasimadda.

Sida Uu Inoo Sheegay M id Ka Mid ah Dadka GoobJooga u ahaa Markii ay Howlgalada ka wadeen Ciidamada Dalkaaasi Kenya Kaasi Oo Lagu Magacaabo Yaxye Cumar Xasan (Yaa Yaxyaa) Kuna Sugan Haatanba Magaalada Nairobi Ee Caasimada Dalkaasi Kenya  ayaa Warsom U Sheegay in ay dadka Soomaalida Ah Lagu Sil Siladenayay Islamarkaana Ay Ku Daabulayeen Gaadiidka Ay U Isticmaalaan Qab Qabshada Maxaabiisleeda

 Ciidamada Militeriga Iyo waliba Kuwa Police-ka Ee Dowladda Kenya ayaa Maalmahaan waxa ay faragelin ku soo samaysay dalka Somalia iyadoo sheegaysa inay soo furanayaan dad ajaanib ah oo laga soo afduubtay gudaha dalkeeda kuwaasi ay Eedeynteeda dusha ka saartay Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab. 

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)