Hay’addaha Gargaarka Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab Oo Maalintii 2Aad Hakad Ku Jiro Howlaha Ay Ka Qabanjireen Xeryahaasi

0
510

Hay’addaha gargaarka ee ka howlgalijiray xeryaha Qaxootiga Ee Dhadhaab ayaa joojiyay Guud ahaan shaqooyinka gurmadka ay ka wadaan xeryahaasi.

Shaqo-joojintan ayaa waxay ka danbeysay kaddib markii xeryahaasi laga afduubtay laba ka tirsan shaqaalaha gar-gaarka oo u shaqeynayay hay’adda MSF Spain.

Labadan shaqaalaha ah oo ah laba haween ah ayaa niman hubeysan ay afduubteen iyagoo sidoo kalena dhaawac gaarsiiyay darawalkii waday.

Ilaa hadda lama oga meesha la geeyay shaqaalahan la afduubtay, balse mas’uulliyiinta ka tirsan dowlada Kenya ayaa sheegay inay ka shikisan yihiin in dadka afduubka geystay ay yihiin Soomaali islamarkaan ay gacansar la leeyihiin Xarakada mujaahidiinta al-shabaab.