Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)
Saamileyda Shabakadda wararka Soomaaliyeed Ee Warsom ayaa Kulan xasaasi ah Waxa ay Ku Yeesheen Xarunta warsom Ee Magaalada Muqdisho Waxa ayna Kulankooda Diirada Ku Saareen Marxaladaha Kala Duwan Ee Website-ka warsom
Milkiilayaasha Webka warsom Oo Ku Kala Sugan Gudaha Dalka Iyo Dibaddiisa Isla Markaan Kuwa Dibadada Jooga ay Khadka Teleefoonka Kaga qayb Galayeen Kulanka ayaa waxaa In Badan Kulanka Lagu Lafa Guray Arrimaha xasaasi ah Ee Uu Dhex Mushaaxayo Webkooda Iyo Sidii Horumar Sare Loogu Tallaabi Lahaa
Haddaba Dood Iyo Falan Qeyn Ka Dib Waxa ay saamileyda Kulankooda Ka Soo saareen Qodobadaan:-
1) waxa ay Isku raaceen In Website-ka warsom Uu Noqday Webka 1-aad Ee Laga daalacdo Dalka Iyo Dibada Intii Uu Shaqeynayey Ka Dib Dadaal Dheer
2) Waxa ay Raali Galin Mideysan U Direen Cid Waliba oo wax ka Tabanaysa Webka Warsom, Waxa ayna Si wada Jir ah Carabka Ugu Adkeeyeen In Ula Jeedka Loo Sameeyey Website-kan Uusan Ahayn In Ciddina Uu Si Gaar U Weeraro Balse Uu Bulsha U Siman Yahay Isla markaana Uu Dhex Dhexaad yahay
3) Sidoo Kale Saamileyda Webka Ayaa Si Diiran U Soo Dhaweeyey Gudoomiye kU Xigeenka Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Mudane Cali Maxamed Nuux Tima Jilic Oo Ku Soo Biiray Milkiilayaasha Warsom Waxa ayna Durba U Idmadeen In Uu La wareego Maamulka Website-ka Warsom
4) Inta Uu Kulanka Socday Ayaa saamileyda Webka warsom Oo Uu Tima Jilic Ku Jiro Waxa ay Isku Shaandheyn Iyo Dib U Habeyn Ku Sameeyeen maamulka Iyo Shaqaalaha Warsom Si Loo Illaaliyo Maslaxadda Iyo Danta Guud
5) Ugu Dambeyntii Waxa ay Milkiilayaasha Webka warsom Oo Wada Jira Ugu Baaqeen Hey’adda nabad Sugidda Qaran In ay Xoriyadiisa Siiyaan Weriye Maxamuud Maxamed Daahir Carab oo U Xiran Warar Uu Webka Warson Baahiiyey
Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)





