Guuto Ciidamo Kenyan Ah Oo Gudaha U Soo Galay Dalka Soomaaliya

0
558

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

Deegaanada ku yaalla xuduudka ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya wararka laga helayo ayaa sheegay in ciidamo badan oo Kenyan ah ay u soo gudbeen dhinaca dalka Soomaaliya kuwaas oo ku qalabaysan gaadiidka dagaalka ee Gaashaaman iyo hubka noocyadiiska kala duwan isalamraakan doonaya in ay kula dagaalamaan xarakada al-shabaab.

Waxaa kaloo lagu soo waramayaa in ciidamada Kenya ay dalka Soomaaliya gudaha usoo galeen masaafo lagu qiyaasay 100-km oo ah afhayeenka ciidamda Kenya ayaa waxa uu beeniyey in ciidamada Kenya ay dhinaca dalka Soomaaliya u talaabeen iyadoo ay maalinkii shalay aheedna ku dhawaaqeen in ay ciidamada kenya la dagaalami doonaan Xarakada mujaahidiiinta al-shabaab.

Bogita Ongeri

Xilli maalinkk shalay aheed uu Wasiirka gaashaan dhigga iyo Wasiirka amniga Kenya oo s si wada jir ah magaalada Nairobi Saxaafadda ugula hadlay sheegeen in ciidamada Kenya hadii loo baahdo ay ka tallaabi doonaan xuduuda ay Kenya dalka Soomaaliya la leedahay islamarkaana ay dagaal xogan lagali doonaan xarakada al-shabaab oo iyaga fariisimo ku lahaa Meel ka agdhow Xuduuda Dalkaasi Kenya.

Guutadaani Ciidamadan oo ah kuwo tiradoodu ay boqolaal gaareyso ayaa warar hordhac ah oo soo baxayaa ay sheegayaan in ay ka garab dagaalami doonaan ciidamada dowladda TFG-da Soomaaliya iyo kuwa Ururka Raas Kaambooni ee gobolada Jubbooyinka kula dagaalamaya xoogaga xarakada mujaahidiinta Al-shabaab.

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)