Gudiga dib-udejinta Barakacayaasha ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta dib-udejin u sameeyay ku dhawaad 5,000 oo qoys oo ku noolaa Xerada Aala-Yaasir duleedka deegaanka Numbar 50 Ee Shabeellada Hoose kuwaas oo dib loogu celiyay Degmooyinkii iyo deegaanadii ay markii hore kasoo barakecee iyadoona xeradii gabi ahaan albaabada loo laabay markii ay daganayeen Qoysasjkaasi .
Madax Aad fara badan oo ka tirsanaa Gudiga Dib-udejinta barakacayaasha Ee xarakada Al-shabaab ayaa ku sugnaa xerada weyn ee Aala-Yaasir halkaas oo kumanaanka Barakacayaasha lagu daabulayay gawaari uu gudigu usoo kireeyay iyadoo qoys walba loo balan-qaaday in deegaankiisii lagu celin doono maadaama hada la gaaray xilligii roobabka Dayrta .
Waxaa Meesha Saxaafada Kula hadlay
Sh.Suldaan Maxammed Aala-Maxammed oo Sheegay in Xeradu ay furnayd mudo Afar Bilood iyo Toban Maalmood ah mudadaas oo dadka Barakacayaasha ah ay halkaas ka helayeen waxyaalaha Muhiimka u ah noloshooda sida Raashinka, Caafimaadka, Ammaanka Waxbarashada Iyo waxwaliba oo noloshooda muhiimka u ah.
Sh.Suldaan Maxammed Aala-Maxammed ayaa
Waxaa uu sheegay in dadka Barakacayaasha ah ay u daabuli doonaan degmooyinka ay ka mid yihiin Qoryooleey, Afgooye, Kuntuwaareey, Sablaale iyo deegaano kale oo fara badan
Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)
Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)






