Dowlada Djabouti Oo Deeq Isugu Jirata Dawo Iyo Gaadiidka Gargaar Ah Soo Gaarsiisay Dalka Soomaaliya

0
591

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

C/wahaab ugaas xuseen ugaas khaliif oo ah Ra’iisulwasaare ku xigaynka ahna wasiirka ganacsiga ayaa meesha kaga warbixiyay Qaabka ay u maareynayaan Deewdani Sidoo Kalene u mahad Celiyay Dowlada Jabouti Islamarkaana Deeqdaasi halkaasi kala wareegay

 

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

 

Dowladda TFG-da Soomaaliya ayaa waxa ay deeq gargaar ah kala Wareegtay Dowladda jabouti Mas’uuliyiin ka socotay kaa oo loogu talagalay dadka ku dhibaataysan gudaha Soomaaliya isamarkaana ka soo barakacay Gobolada Dalka.

Wufuud kasocota Dowladda Djabouti ayaa waxa ay Maanta Soo gaarayn Magaalada Muqdisho iyagoona waday deeq Gargaar ah oo kasocotay dowladda Djabuoti looguna talagalay dadka ay abaarta ku saamaysay Gudaha Soomaaliya

Mas’uuliyiinta Dowladda ayaa Deeqdaan waxa ay Kula wareegayn Dekadda Magaalada Muqdisho oo ay kusoo dagayn mas’uuliyiinta Dowladdaasi Jabouti Oo sida Deeqda looguTalagalay Shacabka Soomaaliyeed .

Dayib Dubad Rooble oo ah Safiirka Djabuoti u fadhiya Soomaaliya ayaa hogaaminayay wafdiga Ka Socday Dowlada Djbouti waxa uuna sheegay in deeqda ay wadaan ay ka kooban tahay cuno Daawaayin iyo gaari nooca Amblus-ta ah waxa uuna Shacabka soomaaliyeed uu soo gaarsiiyay Salaan uu ka waday Ismaaciil Cumar Gelle oo ah Madaxweynaha dalkaasi Djabouti .