Ahlu Sunna Waljamaaca Oo Sheegtay In Ay Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Ka Sifeyndoonaan Gobolada Dhexe Ee Soomaaliya

0
516

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca eek u sugan gobollada dhexe Ee dalka ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay billaaban doonaan howl gallada ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab kaddib markii uu soo Gabagaboobay qorshaha ay dowlada TFG-da Kula dagalameysay Al-shabaab

C/laahi Maxamuud Ilkacase oo ah Guddoomiye ku xigeenka labaad ee fulinta maamulka culumada Ahlu Sunna oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu soo gabagaboobay qorshihii loogu tala galay in gobollada dhexe ee dalka looga saarokooxda XarakadaAl-Shabaab Ee iyaga Haatan Awood Ku Jooga Gobole Dhexe Ee dalka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka Ahlu Sunna C/laahi Maxamuud Ilkacase ayaa tilmaamay in maalmaha soo socda ay billaaban doonaa howl galladaasi kuwaa oo uu sheegay in ay ku wajahan yihiin gobollada Hiiraan, iyo Galgaduud oo ay qaybo ka mid ah ku sugan yihiin Ciidamada Xarakada Al-Shabaab islamarkaana haatanba Ay Iayana ku baaqayaan dagaalo ka dhan ah Ahlu Sunna .

Shiikha ayaa ugu dambeyntii sheegay in deegaannada Hiiraan iyo Galgaduud ay kaga sugan yihiin xarakada al-Shabaab in ay kala kulmi doonaan qasaaro aysan xoogan Hadeysan Haatanba Iaga Bixin Deegaanadaasi Waa sida uu Hadalka u dhigay C/laahi Maxamuud Ilkacase oo ah Guddoomiye ku xigeenka labaad ee fulinta maamulka culumada Ahlu Sunna
(Wararka Soomaaliya
Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)