Qarax Qasaaro Geystay Oo Maanta Ka Dhacay Degmada Wada Jir Ee Magaalada Muqdisho

0
497

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

2ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay qarax miino oo maanta ka dhacay suuqa lagu iibiyo qaadka degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaani Maanta Ka Dhacay Degmada Wadajir Ayaa ahaa miinada Dhulka lagu aaso kaasi oo geeska Tabakaayo ku taalay meel u dhaw kabarrada qaadka lagu gado ayaa qarxay xilli dad badan ay halkaasi ku  ganacsanayeen.

Sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah ayaa wax ay sheegeen in ay arkeen laba ruux oo dhaawac ah, halka dadki kale ee goobta ku sugnaa ay ka badbaadeen Iyadoona aysan jirin wax dhimasho ah Xili ay dad farabadan meeshaasi ku sugnaayeen.

Meesha Uu Qaraxa Miino ka dhacay ayaa markiiba soo gaaray ciidamada dowlada TFG-da Soomaalia islamarkaana baaritaano ku sameeyey agagaarka goobtii uu qaraxu ka dhacay Meshana Ka Qab Qabtay Dad Farabadan Islamarkaana Ay Haatanba ku Suganyihiin dadkaasi la qab qabtay Xabsi Ku yaala Degmada  Wada jir Ee Magaalada muqdisho.

Ma Jiraan Wax Saraakiil ah Oo Dowlasda TFG-da ka Tirsan islamarkaana  Ka Hadashay Falkaani  Qaraxa ah Oo Maanta ka Dhacay Degmada Wada jir Ee Magaalada Muqdisho

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)