Xisbiga Midnima Jamhuuriga Soomaaliyeed Oo Ku Tilmaamay Shirkii Kampala In Uu Yahay Mid Shirqool Ah Laguna Dhibaateynayo Umadda Soomaaliyeed

0
277

بسم الله الرحمن الرحيم 

waxayna Shacabka Muslimka ah in laga hortago ciidamada shisheeye iyo inta taageersan waxayna sheegeen in danaha shacabka ayna ka shaqeynin shisheeyaha soo duulay ee Magaalada Muqdisho ku sugan

Kulan ay isugu yimaadeen xubno iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiga
> midnimada jamhuuriga soomaaliyeed uuna gudoominayey gud kuxigeenka
> xmjs md cali maxamed nuux timajilic ayaa waxaa lagaga hadley qodobo la
> xiriira arimaha siyaasada iyo halka dalka somalia uu marayo isla
> markaana lagu dhageystey warbixino ay soo jeediyeen qaar kamid ah
> masuuliyiinta xisbiga mjs.
> Waxaa ugu horeyn shirka warbixin ka soo jeediyey gud kuxigenka xisbiga
> mjs md timajilic isagoo xisbiyiinta u sheegey in dhawaan ay dalka soo
> gaareen madaxweynaha xisbiga mjs md c/nuur axmed darman,ambassodar
> axmed darman iyo marwadisa ashkiro cali ayna diyaar u yihiin kulligood
> in ay dadkooda iyo xisbiyiintaba ay la qeybsadaan wixii ay qabaan
> hadey tahey murugada iyo duqeymaha dadkooda ku socda ama rajada
> wanaagsan iyo hamiga la wada tiigsanayo isagoo u soo gudbiyey
> xisbiyiinta salaan diiran oo uu ka sidey madaxweynaha, waalidiintiisa
> iyo wufuudii kale ee la socdey isagoo gud kuxigenku ka codsadey
> xisbiyiinta in ay labanlaabaan hawlaha xisbiga.
> Timajilic ayaa dhanka kale ka hadley shirka ay isugu yimadeen
> dawladaha sheega in ay daneeyaan soomaaliya wuxuuna yiri dadkii shaley
> difaacayey ciidamada shisheeye oo lahaa ciidamada ugandha iyo brundhi
> wey na difaacayaan wey na gargaarayaan arrimaha dalkana ma
> faragashanayaan ayaan waxaan u sheegeynaa in ay gef iyo xeer gudub
> yihiin waxa kamballa ka socda aysana metelin qaranka soomaaliya waa
> joogitaanka ciidamada shisheeye waxa sababey in la duleysto ama la bah
> dilo kuwii shaley ay lahaayeen iyagaan ka ilaalineynaa dadkii ay
> lahaayeen waan metelnaa laguna yiri kama bixi kartaan ugandha idinkoon
> heshiin waa nasiib daro wixii ka soo baxa oo aan doorasho aheyn waa
> xaraam aan la aqbaleyn xeerka iyo nidaamka dalkana aan meel looga
> heleyn ugu danbeyntiina waxaa dadka soomaaliyeed laga codsadey in ay
> sharaftooda iyo jiritaankooda ay difaacdaan meelna iska dhigaan
> arimaha dhexdooda yaal oo ay meel uga soo wada jeestaan gumeystaha is
> qarinaya.
> Shirka ayaa ku soo gabangaboobey jawi hagaagsan iyo is afgarad.

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(info@warsom.com & webmaster@warsom.com)