R/wasaare Farmaajo Oo Loo Qabtay Mudo 72 Sac Gudahooda In Uu Ka Dhabeeyo Heshiiskii Kampala

0
714

 

Wararka Soomaaliya

Ka dib kulan Muqdisho ay ku yeesheen saacadihii la soo dhaafay R/wasaaraha Soomaali Ameerikaanka Farmaajo iyo Taliyaha ugu sareeya Ciidamada Shisheeye ee Duulaanka Muqdisho ku jooga ayaa waxaa lagaga hadlay sidii Farmaajo uu kaga dhabeyn lahaa heshiiskii Kampala uu ku soo saxiixay kuna aadanaa in uu ka tago xafiiska R/Wasaaronimada TFG-da waxaana taliyaha ciidamada uu ku goodiyay in hadii Farmaajo uu is casili waayo in mudo 72 Sac gudahooda laga qaadi doono tilaabo xabsigana loo taxaabi doono

Farmaajo ayaa iminka qarka u saaran in waali uu ku dhufto maadaama ay heysato dhibaato culus ay ka soo wajaheyso ciidamada Shisheeye ee duulaanka Muqdisho ku joogo

Ilo wareedyo ku sugan guriga Farmaajo aya u sheegau wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com in Farmaajo iminka uu xir xiranayo boorsooyinkiisa isla markaana uu raaco diyaarad una duulo gurigiisi ku yaalay dalka Mareekanka si uu u dheel dheelsiyo caruurtiisa iyo naagtiisa

 

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(

 

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)