R/Wasaare Cusub Oo Soomaali Ameerikaan Ah Oo Maanta Lagu Dhawaaqay Laguna Badalay Farmaajihii Soomaali Ameerikaanka Ahaa

0
607

Wararka Soomaaliya

Ka dib xaflad ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho ayaa Maadaxweyne Shariif wuxuu ku magacaabay Cabdi Wali Maxamed Cali oo ah Soomalai Ameerikaan waqti badan ku soo qaatay noloshiisa Dalka Mareekanka

C/wali ayaa ahaa hada Ku xigeenkii koowaad ee Farmaajo

Madaxweyne Shariifka Soomaaliya oo ka hadlay xaflada uu ku magacaabay C/wali ayaa sheegay in uu kala tashtay magacaabistiisa gudoomiyaha Baarlamaanka iyo beelaha Soomaaliyeed

Farmaajo ayaa sheegay in uu ku farax san yahay Magacaabida saaxibkisa C/wali Maxamed Cali oo ay kuwada barbaareen dalka Mareekanka hadaba Farmaajo oo haa Soomaali Ameerikaan Laguna badalay Soomaali Ameerikaan cusub C/wali Maxamed Cali maxaa isbadali kara labada waa Soomaali Ameerikaan iska Warhaye dad fara baanna waxay u arkaan khilaafkii TFG-da dhaxdeeda oo wali halkiisi uu taagan yahay

Hadaba Maxaa u diidan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho ku sugan waa su’aal is weydiin Mudan maxaa yeelay Farmaajo wuxuu ka yimid Mareekanka C/walina Mareekanka Nuur Cadde iyo Geedina Yurub Cumar C/rashiidna Canada taasi ayaa waxay cadeynaysa in dhamaantoda ay yihiin kuwa lagu soo barbaariyay wadamada reer Galbeedka

 

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)