Degmooyinka Kooban ay Gacanyta Ku Hayso Dowlada KMG Somalia Ayaa Mudooyinkii ugu Dambeeyey Waxaa Ku S`oo Badanayay Iska Hor’imaad Udhaxeeyo Maleeshiyaad Hoos Tagay TGFda ayadoona Kii Ugu Dambeeyay Uu Ka dhacay Degmada Dharkeynley Geestayna Qasaarooyin Isugu Jira Dhimasho iyo Daawac Oo Soo Kala Gaara Maleeshiyaad Isdilaya Iyo Dadka Rayidka ah Ee Xilligaasi Ka Agdhow Goobaha ay Dirirta ay Ka dhaceysoWararka Soomaaliya (Warsom.com)
info@warsom.com & webmaster@warsom.com
Arinkaakaani ayaa waxa ay dhibaatooyin aad u Baahsan ay Ku Haysaa Bulshada La Daalaa Dhacaya Colaada Aafeysay Soomaaliya Waxaana Dagaaladaasi ay Yihiin Kuwa Joogta Ka Noqday Deegaanada Fara Kutiriska ah Oo ay Ku suganyihiin Maleeshiyaadka TFGda Iyo Masuuliyiintooda Waxa Intaasi Sii Dheer Wadooyinka Kooban Ee Muqdisho Laga Isticmaalo In ay Dhigteen Isbaarooyin Maleeshiyaad Hoostaga TGFda Kuwaasoo Lacaga Baad ah Ka Qaada Gawaarida Isticmaala Wadooyinkaasi
Ayadoona aan La Soo Koobi Karin Goobaha Isbaarooyinka ay yaalaan ayaa hadana waxaan idin Soo Gudbineynaa Meelaha Qaar Kamid ah Maleeshiyaadkaasi Sida Joogtada ah ay U Dhigteen Jidgooyooyinka
Bacadlihii Hore Ee X/Weyne,Ceelgaabta Degmada X/Jajab,Sheelaro Seddexdaasi Jidgooyo ayaa waxa ay u taalaa Taliyaha Booliska Qeebta Bartamaha Cili Xirsi Bare (Cali Gaab) Labada Buundo Ee Kala Barta Waabari Iyo X/JaJab,Suuqa Beerta,Ilinka Hore Ee Dugsigii 21ka October Waxa ay U Yaalaan Isbaarooyinkaasina Maleeshiyaad Hoos Taga Gudoomiyaha Degmada Waabari Axmed Meere Makaraaan (Axmed Faal) Isgoysyada K.M4 Iyo K.M5 Iyo Kan Banaadir ayaa waxa ay Iyana U yaalaan Afahayeenka Ciidamada Booliska Ahnna Taliyaha Ciidamada Qeebta Waliyow Cade Gaashaanle Sare C/llaahi xasan (Bariise) Maleeshiyaad Hoos Taga
Dhabarka Dambo Ee Isbitaalka Madiina ayaa waxa ay Isbaaro Kuwaan Lamid ah Iyana U yaalaan Maleeshiyaad Taabacsan C/kaafi Hilowle Cismaan Oo Ah Xoghayaha Guud Ee Maamulka Gobolka Banaadir Isagoyska Ex.Control Afgooye ayaa waxaa Jakboynti Ciidamada TFGda Oo ay Ogyihiin Masuuliyiinta Sar Sare Ee Dowlada
Wadada Ka Baxda Ex.Control Afgooye Ee Aada Xoosh ayaa iyana Isbaaro ay Dhigteen Maleeshiyaad Hoos taga C/qaadir M.Nuur Oo Ah Waziiru Dowlaha Madaxtooyada Wadada Ka Soo Baxda Xoosh Ee Timaada Saldhiga Galbeed ayaa waxaa yaala 1Isbaaro Oo Hoostagta Sarkaal Lagu Magacaabo Cagey Oo Ka Tirsan Saraakiisha Ciidamada Militariga
Tabakaayo Madow ayaa Isbaaro waxa ay U taakaa Maleeshiyaad Hoos Taga Gudoomiya Ku Xigeenka Degmada Dharkeyley Yuusuf Kabaale agagaarka. Daarta Xaaji Gaabow Ee Degmada Dherkeynley ayaa waxa ay Isbaaro ay u taalaa maleeshiyaad Hoos Taga Macalin C/dulle Oo Ha Gudoomiyaha Degmada Dherkeynley
Suuqa Weyn,Danwadaagaha,Agagaarka Macruuf,Iyo Dhinaca Bidix Ee Garoonka Aadan Cade Isbaarooyinkaasi yaala ayaa waxa ay U Yaalaan Maleeshiyaad Hoos Taga Gudoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci) Iyo Ku Xigeenkiisa Xuseen BootaanWaxaa Jira Masuuliyiinta Sar Sare Oo Ka Tirsan Dowlada KMG Somalia Oo Lacagahaasi Wax Ka Qaata Kuwaasi Oo Aan Waqtiyada Soo Socda aan Idin Soo Gudbindoono INSHAA”ALLAAH.
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641