R/wasaaraha Somali Americanka Farmaajo Iyo Madaxweyne Shariifka TFG oo Si Weyn Ula Dhacay Riyadii Uu Obama uu Ku Dilay Shiikh Osama Bin Laden

0
285

Ka Dib Markii uu Madaxweynaha Madowga Mareykanka Brack Obama Uu Shaaciyey In Ciidamada Mareykanka ay Dileen Hogaamiyaha Urur Weynaha Shabakadda Islaam ee Al Qaacida ayaa waxaa hadalkaasi Riyada ah Si Weyn U Soo Dhaweeyey Hor Joogayaal fara badan Oo ka Tirsan Kuwa Korboodaya Wadamada Muslimka Sida Madaxda TFG Soomaaliya

Madaxweyne Shariifka Soomaaliya oo Shir Jaraa’id Ku qabtay Muqdisho ayaa waxa uu Sheegay In ay Dhab tahay Geerida Shiikh Usaama Bin laden isl markaan uu Si Diiran U Soo Dhaweynaya

Sidoo kale Shariif ayaa Mahad Iyo Bogaadin U Soo Jeediyey Hogaamoyaha madowga Mareykanka Obama isagoo Hoosta ka Xariiqay In Usaama Uu Shibaato badan Ku hayey Soomaaliya

Dhanka kale waxaa Fikir la Ceynka ah kan Shariif Soo Jeediyey R/wasaare Soomaali Americanka farmaajo oo isna cadeeyey In Uu Ku farax san yahay Oraahda Qaldan ee Obama

Si kastaba Dad badan oo ka Mid ah caalamul Islam ayaa waxa ay amin san Yihiin In Shiikh Usaama Bin laden Uu yahay Amiirka Muslimiinta Aduunka Iyadoo Dad qalbiga ka Taageero aysan Amin sanayn Riyo maalmeedka Brack Obama

 

  

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

  

info@warsom.com & webmaster@warsom.com