Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo la Wareegay Degmada Harbahaarey Ka Dib Dagaalo Culus

0
270

Wararka Naga Soo gaaraya Degmada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa Sheegaya In Xarakadda Mujaahidiinta Al Shabaab ay la wareegeen gacan Ku haynta Degmada garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo

Saacadihii la Soo Dhaafay Ayaa waxa Dagaal Xoogan Uu ka Socday qaybo fara badan Oo ka Tirsan Gobolka Gedo gaar ahaan Degmada garbahaarey jkaa Soo U Dhaxeeyey Ciidamada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo Dowladda Oo garab ka Helaya Kuwa Ethiopia

Waxaana wararka Ugu dambeyey ay Sheegayaan In dagaalkaasi Uu Geystay Khasaarooyin Isugu Jira Dhimasho Iyo dhaawac waxaan aIminka Degaan Xaaladda Degmada harbahaarey

Dhanka kale warar aynu ka Heleyno Degmada Beled xaawo ayaa Sheegayaa In halkaasi maanta ay Ciidamada Dowladda ka sameeyen Howl galo ay Ku Dileen Labo Ruux Oo ka Mid ah Dadka Ku Dhaqan Deegaankaasi Waxaana Ilo wareedyo halkaasi Ku Sugan ay U Sheegeen Wakaaladda Wararka Ee warsom In ay dadkaasi Ahaayen dad Rayid ah

 

 

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

  

info@warsom.com & webmaster@warsom.com