Faaqidaada Suxufiyiinta Iyo Warbaahinta(Yuusuf Garaad, Yabarow, Raage Oomar Iyo Amina Muuse)Khamiis Walbo

0
848

Xubintaan oo aad kala socon doontaan wakaaladda wararka soomaaliyeed ee www.warsom.com ayaa waxaan ku soo qaadan doonaa maanta qaar ka mid ah wariyayaasha u shaqeeya warbaahinta reer galbeedka anagoo diilada aan ku saari doono wariyaha amaanta uu leeyahay xumaanta uu leeyahay iyo hab dhaqanka dadweynaha

1. Yuusuf Garaad waa tafatirihii hore ee BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga waa shaqsi lagu tilmaami karo suxufiga soomaaliyeed iyadoo la dhihi karo in uu leeyahay khibrada ugu sareyso ee saxaafada Soomaaliya waa nin wareysiyadiisu xiiso ay leeyiiin isla markaana dadka ay jecleyihiin barnaamijyada uu qabto gaar ahaan barnaamijka galabta jimcaha soo gala waxaana sidoo kale dadka taageersan Yuusuf Garaad ay ku amaanaan Su’aalaha hal adeega ah ee uu weydiiyo dadka uu wareysanayo.

Dhaliisha bulshada qaarkeed ay Yuusuf Garaad u hayaan ayaa waxaa ka mid ah

1. In uu yahay nin jecel in waxa asiga uu doonayo sare in uu u qaado aadna uu buun buuniyo waxa uuna rabinna hoos u dhigho

2. Bulshada qaarkeed waxay u arkaan Yuusuf Garaad in sida Mucammar Al Khadaafi oo kale uu yahay nin aad u xukun jecel ayadoona taa ay u micneynayaan xilliga dheer uu taftiraha ka ahaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da

3. Yuusuf Garaad waxaa lagu sheegaa inuu yahay nin isla weyn isla markaana aan qadarinin suxufiyiinta soomaalida ayadoona taa daliil ay u tahay inta uu madaxda ka ahaa BBC-da rag fara badan oo khabiira ah oo halkaas iskaga tagay

4. Waxaa sidoo kale shaqsigaan qaar ka mid ah bulshada soomaaliyeed ay u qabaan naceyb marka loo eego sida dadka deegaan ahaan ka soo jeeda Maamul goboleed Puntland oo 85% ay isku habaaraan qaarkood gabadhaada Yuusuf Garaad Ha guursado.

5. 2006 dii xilli Muqdisho uu soo gaaray Madaxii hore ee BBC-da Yuusuf garaad oo aan ku wada kulanay xaruntii golaha fulinta ee Maxkamadaha Islaamka ka soo horjeedka Hotel Ramadan ayaa waxaa loo ilaalinayay sidii hogaamiyo kooxeed yadii soomaalida aydoo dadka qaarkiiis ay la yabeen wariye qaabkaas loo ilaalinaya mana jirin xilligaasi ugaarsiga saxafiyiinta soomaalida

6. Dadka sida wanaagsan u yaqaan Yuusuf Garaad ayaa waxay sheegaan in uu yahay shaqsi aad u jecleen diinta islaamka ugu dambeyn Yuusuf Garaad waxaa la dhihi karaa waa Wariyaha ugu caansan xilligaan Soomaaliya.

2. C/raxmaan Yabarow Waa madaxa Idaacada Codka Mareekanka ee VOA qeybteeda la hadasha Soomaaliya

1. C/raxmaan Yabaro waa wariye cod kar ah waxayna bulshada ay intooda badan si wanaagsan ay u barteen asigoo BBC-da ugu soo hadlaya dalka Mareekanka

2. C/raxmaan Yabarow wuxuu ka mid ahaa dadkii furay Idaacada VOA-da ayadoo dabadeena Madax uu ka noqday.

3. Waa nin dad badan codkiisa ay jecelyihiin iyo diyaarintiisa dhanka war bixinada iyo Maqaalada.

Dhaliilaha Yabarow

1. Dad fara badan oo ka mid ah taageerayaasha Yabarow waxay ku dhaleeceeyaan inuu xubin ka yahay xisbiga dimqoraadiga oo uu hoogaamiyo Ubamaha Hogaanka u ah Mareekanka waxayna taas ay ku macneeyaan buun buunintiisa iyo ka badin tahay wararka xisibigaasi oo si shakhsiyan ah u jecelyahay in asiga qudhiisa uu gallo wararkaas

2. C/raxmaan Yabarow waxay ku dhaleecaayaan wariyeyaal magac leh oo ka tagay VOA-da in uu yahay nin aad u jecel qabyaaladda iyo kor u qaadida wariyeyaasha isku beesha ay yihiin

3. C/raxmaan Yaborow waa nin isla qab weyn isla markaana aad u faan jecel sida ay sheegayaan dad la soo shaqeeyay

3. Raage Oomaar

1. Raago Oomaar wuxuu si wanaagsan u soo baxay agagaarka sanadii 2003 dagaalkii Ciraaq uu u shaqeynayay Talafishin laga leeyahay dalka Ingiriiska xilligaas uu soo tabinayay Duulaankii Ciraaq ay ku qaadeen wadamada la magac baxay Nato xilligaas oo Raago Oomaar u muuqday nin u hadlayo sida afahayeenka dalka Ingiriiska

2. Raage Oomaar Waa wariye ka da’ yar wariyeyaashii aan hada soo xusnay isla markaana magaciisu uu yahay mid dad farabadanoo soomaaliyeed ay yaqaaneen wallow uu u shaqeeyo warbaahinta afafka qalaad ku hadasho

3. Raage Oomaar dad ay isku dhowyihiin waxay ii sheegeen in uu ka qoomameeyay qaabkuu u soo tabin jiray wararkii dagaalada dalka Ciraaq ka dhacayay isla markaana uu garowsaday inay qaldaneed qaabkii uu xilligaasi u shaqeynayay.

4. Raagi Oomaar hada waxuu u shaqeeyaa Talafishinka Al Jazeera Afka Ingiriiska ku hadasha uu k yahay

5. Dadka aqoonta dheeraadka u leh Raage Oomaar waxay ku sheegaan inuu yahay shaqsi soomaalinimada aan jecleen hasa yeeshee is mooda inuu British oo qura uu yahay

4. Aamino Muuse Wehliye

1. Aamino Muuse waa gabar u shaqeysa Idaacada BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliya waana gabar codkeeda ee aa ay u dhageystaan bulsho fara badan oo Soomaaliyeed

2. Aamino Muuse waxay ka shaqeyn jirtay Idaacadii Cali Mahdi ka hor inta ay BBC-da imaanin

3. Aamino Muuse waxay imtixaan la gashay wariye yaal kale oo soomaali ah xilligii BBC-da ay aadeysay dadka aqoonta u leh waxay sheegaan in imtixaankaasi qaab garab ah ay ugu guuleysatay ayadoona lii sheegay in xilligaasi Yuusuf Garaad ay kala hadashay gabar ka mid aheyd Madaxda Hey’adda UNICEF sidaasina lagu giliyay Idaacada BBC-da Xilligaasna aqoon uma leheyn luqada lagaga hadlo dalka Ingiriiska oo durbadiiba la geeyay.

4. Waxaa ka mid ah Aamino Muuse waxa lagu dhaliilo xilli ay sheegtay in inta soomaaliya nabad ay ka dhalaneyso inay wadan doonto Marada cad ee asaayada loo qaato ayadoo seegeedana uu nool yahay waxaana shareecadeena islaamka ay baneysay habeeneeda marka uu ninkeeda geeriyeedo in ay qaadato marada asaayda ayadoo dad fara badana arintaasi fajac iyo amakaag ay ku abuurtay

5. Dad fara badan oo ka mid ah taageerayaaha Aamino Muuse waxa ay is weydiiyaan bilooyin ka dib waxaa BBC-da laga maqlaa Tahaniyad Aroos oo loo diro Aamino Muuse Wehliye waa Su’aal dad fara badan ay is weydiinayaan oo jawaabteeduna lala fadhiyo

 
 
 

 

la soco qeybaha kale ee aan ugu magac darnay xubinta faaqidaada Suxufiyiinta iyo Warbaahinta Soomaalida
 

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)
Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
 

Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641